Madaxwaynayaal hore oo loo diiday inay ka doofaan Muqdisho

Published: November 10, 2019
This image has an empty alt attribute; its file name is Shariif-Sheekh-Axmed-iyo-Xasan-Sheekh-Maxamuud.jpg
Sawir hore – Xasan Shiikh iyo Shiikh Shariif

War goor dhow soo baxay ayaa sheegaya in xiisad ka taagan tahay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, kaddib markii maamulka madaarka uu amar kusoo rogay in aanay ka dhoofi karin wafdi ay hoggaaminayaan Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sheekh Shariif oo maanta ku sii jeeda Beledweyne.

Wararka ayaa sheegaya in la xanibay diyaaraddii ay wafdiga raaci lahaayeen, kaddib amar dowladda ka soo baxay.

Xildhibaan Cabdirisaaq Cumar Maxamed oo kamid ah madaxda la xanibay ayaa sheegay in wafdiga Madaxweynayaashii hore oo xilligan ku sugan garoonka loo diidan yahay safarkooda Beledweyne, isla markaana ay tahay arrin la siyaasadeynayo.

“Labada Madaxweyne safarkooda gurmadka Beledweyne ee maanta waa loo diidan yahay inay garoonka ka dhoofaan, maamulka Garoonka, waxay leeyihiin ma bixi kartaan amar ayaa heysanaa, markaa weydiinay waxay na dhaheen Madaxweyne Waare iyo Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa bixi raba oo beledweyne aadaya”

ayuu yiri Xildhibaan Cabdirisaaq .

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *