Turkiga oo Xusayo 81 Guuradii Ka Soo Wareegtay Geerida Mustafa Ataturk

Published: November 10, 2019

Maanta oo axada ah waxaa dalkaasi turkiga laga xusayaa sanadguuradii 81aad ee ka soo wareegtay geeridii hoggaamiyihii asaasay jamhuuriyada Turkiga Mustafa Ataturk.

Gazi Mustafa Kemal Ataturk, asaasihii Turkiga waxaa uu geeriyooday sanadkii 1938dii, isagoo da’diisu ahady 57 Jir. Madaxweynaha turkiga Rajab Dayir Erdogon iyo madaxda dalkaasi ayaa ka qaybgalaya munaasabad lagu xasuusanayo oo ka dhacay Anitkabir, taalada Ataturk ee caasimadda Ankara.

“Marka kale waxaanu xusuusanaynaa 81 guuradii ka soo wareegtay geeridii Hoggaamiyihii dagaalkii xornimada Turkiga, Asaasihii jamhuuriyada turkiga, madaxweynayagii kowaad Mustafa Kemal Ataturk” sidaas wax yiri Erdogan

Mustafa Kamaal Ataturk wuxuu hoggaaminayay ciidamadii Turkiga ee la dagaalamay xoogagii qabsatay gobolka Anatolia ee Faransiiska, Britian, Talyaaniga, Giriiga iyo Argmiinayanka ka dib markii la jabiyay boqortooyadii Cismaaniyiinta dagaalkii 1aad ee aduuunka.

Wuxuu ku guulaystay inuu xoog kaga saaro ciidamadaas huwanta ah gobolka Anatolia oo ay ku jirto magaaladda Istanbul, wuxuu baabiiyay boqortooyadii Cusmaaniyiinta, isagoo asaasay jamhuuriyada Turkiga sanadkii 1923dii

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *