Xasan Shiikh iyo Shiikh Shariif oo Beledweyne u safray iyagoo wada $200,000

Published: November 10, 2019
Sawir hore – Xasan Shiikh iyo Shiikh Shariif

Wefdiga ay hoggaaminayaan madaxweynayaashii hore ee dalka Xassan Shiikh Maxamuud iyo Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo saaka lagu xannibay garoonka diyaaradaha Muqdisho, ayaa sida la xaqiijiyay hadda loo fasaxay safarkoodi Beledweyne.

Dowladda ayaa markii dambe ogolaatay in la fasaxo diyaaradda, islamarkaana wefdiga ay u amba-baxaan magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, halkaasi oo ay gaarsiin doonaan gurmad loogu tala-galay dadka ku waxyeelloobay fatahaadda webiga Shabeelle uu ka sameeyay Beledweyne.

Gurmadka waxaa bixiyay Madasha la baxday Xisbiyada Qaranka, oo ay ku midaysan yihiin inta badan Xisbiyada ka dhisan magaalada Muqdisho, kuwaasi lacag dhan $200,000 oo dollar ugu deeqay gurmadka fatahaadda Beledweyne.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *