Abdiweli Gaas ” Shido cusub la abuuro adiga ayay dib kugu soo laabaneysaa”

Published: November 11, 2019

Madaxweynihii hore ee Puntland horayna usoo noqday raisal wasaaraha dawlada Federaalka aah ee Soomaaliya Mudane Cabiweli Maxamed Cali Gaas oo waraysi siiyay Idaacada VOA ayaa si kulul uga hadlay dhacdadii shalay loogu diiday madaxdii hore ee DFS in ay ka dhoofaan garoonka diyaaradaha muqdisho iyo midii khalkhal galisay degitaanka diyaarada.

Cabdiweli Gaas waxa uu sheegay in uu ka xunyahay wixii dhacay “ Waa ka xumahay runtii waxa dhacay, horayna u dhacay, maantana dhacay waa nasiib darro, Madaxweynayaasha dalka ayay soo xukumeen, in la ixtiraamo ayay mudan yihiin qof kasta oo soomaali ka mudan yihiin, waqti adag bey wadankaan u soo shaqeeyeen oo Madaxweynayaal u soo ahaayeen” ayuu yiri C/weli Gaas.

Cabdiweli Gaas waxa uus sheegay in uu talo ahaan soo jeedinayo in Madaxweyne Farmaajo in haddii dalka shido kajirto loo baahan yahay in shidada la yareeyo, haddii ay yar tahayna la baabi’iyo, balse shido gacamahaaga ku abuurtay haddii ay tahay inay kugu soo laabaneyso.

“Sideedaba haddii aniga siyaasadda wax un ka bartay Soomaaliya, waxa weeye wadanka haddii ay shido jirto, shidada jirto waa la yeeraa, haddii ay badan tahay waa la yareeyaa, haddii ay yar tahay waa la baaba’iyaa, laakiin maalin walba shido cusub la abuuro oo aan horay u jirin oo gacmahaga ku falkisaa adiga ayay dib kugu soo laabaneysaa dhib ayay keeneysaa dalka u keeneysaa, maamulkaagana u keeneysaa” ayuu yiri C/weli Gaas.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *