Farmaajo iyo Wafdi uu hoggaaminayo Oo Siid Diiran Loogu Soo Dhaweeyay Nairobi

Published: November 11, 2019

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya, halkaas oo ay uga qeyb galayaan shir caalami ah oo ku saabsan Horumarinta Dadweynaha.

Madaxweyne Farmaajo iyo wafdigiisa ayaa si weyn loogu soo dhoweeyay Garoonka diyaaradaha magaalada Nairobi,wuyxuuna madaxweynaha magaalada Nairobi kaga qayb-gelaya Shirka Dadweynaha iyo Horumarka oo ay soo qaban-qaabisay Qaramada Midoobey.

Shirkan oo uu hoggaaminaayo Sanduuqa Qaramada Midoobey ee Horumarinta Dadka (UNFPA) ayaa lagu jaangooynayaa qorsheyaasha loo dhan yahay ee dhinacyada horumarka iyo halbeegga sanadlaha ah ee heer qaaradeed iyo heer caalami ee hiigsiyada xasilloonida iyo horumarka.

Wafdiga Madaxweynaha waxaa hordhac u sii ahaa diblumaasiyiin iyo khubaro ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya kuwaas oo la sii qaabeeyey dhiggooda dalalka ka qayb-gelaya shirweynahan qorsheyaasha lagu falanqaynayo, iyagoo gudbiyey qodobbada hortabinta u leh shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed.

Wafdiga Madaxweynaha ee ku wehliya Shirka Dadweynaha iyo Horumarka waxaa ka mid ah Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Marwo Fowsiya Abiikar Nuur iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka Mudane Nuur Diiriye Xersi (Fuursade).

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *