Salaad Cali Jeel oo ka jawaabay Hadalkii Madaxweynihii hore ee DFS Sheekh Shariif.

Published: November 11, 2019

Siyaasigga Salaad Cali Jeele oo shir jaraaid ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa si kulul uga jawaabay hadal shalay kasoo yeeray Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed


” Waxaa la marayaa 3sano oo qariba hal sano iyo wxabaa haray, cidii aan suggi karin oo ku marmarsinooysa sharcibaa la jebiyay, sharciga hadii la jabiyo maxkamadaa loo dacwodaa, baarlamaan baa lagu saxaa, nidaamka lagu dhex-saxaa, laakiin qori caradisaan ku saxaa, goorkaan rabaa sidaan rabo u hadlaa, Taas wax la aqbali karro ma ahha, waxaan idin leeyahay nidaamka ilaaliya, lafihiina u turra, ha is dhibaataynina, ummadana dhibaato ha u keenina, waxa idin deeqa waa shuruucdoo lagu dhaqmo iyo waqtigga oo la iska suggo” ayuu yiri Siyaasi Salaad Cali Jeele.


Siyaasi Salaad Cali Jeele ayaa sidoo kale gudigga doorashooyinka madax banaan ugu baaqay in ay shuruucda la tiigsadaan xisbiyadda,


Gudigga doorashooyinka Qaran waa inay qaadaan tilaabta ku haboon ee xisbiyada, waana in shuruucda lala tiigsadaa, maxaa yeelay dalalaco dowlad waa lagu noqon waayay, qofkastaa waa in uu sharcigu ka sareeyo, waa inuu baqaaa oo lafihiisa ilaashadaa” ayuu hadalkiisa sii raaciyay

Ugu danbayn shacabka ugu baaqay in laga digtoonada dagaalo sokeeye oo la ogyahay wixii laga dhaxlay, kuwaas oo uu sheegay in ay taariikh ka yaalaan, meel lagu faanona aysanba jirin, Hadalka siyaasi Salaad Cali jeele ayaa kusoo beegmaya xili xalay ay dawlada federaalka ah ka jawaabtay eedaymo uga yimi madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *