Siiriya: Nin Caawin Jiray Kooxda White Helmets oo Maydkiisa Laga helay Istanbul

Published: November 11, 2019

James Le Mesurier oo hore uga tirsanaa ciidamada Boqortooyada Ingiriiska, islamarkaana ahaa asaasaha kooxda badbaadada Mayday Rescue oo tababari jiray, islamarkaana caawin jiray Kooxda difaaca iyo gargaarka shacabka Siiriya ee Loo yaqaan White Helments ayaa lagu dilay wadanka Turkiga.

Maydka nankin ayaa laga helay gurigiisa oo ku yaal bartamaha magaaladda Istanbul, Dimplamaasiyiinta ayaa sheegaya inaysan cadayn sababaha dhimashadiisa

Kooxdan isku abaabushay ee white Helmets ayaa ka howlgali jiray goobaha ay maamulayeen mucaraadka Suuriya iyagoo kumaankun qof caawiyay oo gargaar u fidiyay, gaar ahaan xiligii ay socotay weerarkii ruushaka iyo ciidamada Suuriya ee Magaaladda Xalab ee waqooyiga Suuriya.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *