Beesha Caalamka oo dalab cusub hor dhigtay Madaxwayne Axmed Madoobe

Published: November 12, 2019

Maalmihii la soo dhaafay waxaa Magaalada Kismaayo ku sugnaa xubno ka socda Beesha Caalamka, kuwaas oo kulamo xasaasi la qaatay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam iyo siyaasiyiinta ka aragtida duwan ee ku sugan Kismaayo.

Kulankii ugu dheeraa ayaa xubnaha Beesha Caalamka waxaa ay la qaateen Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, iyaga oo kala hadlay khilaafka kala dhaxeeya dowladda iyo kuwa ka aragti duwaniyo  in xal loo helo Arrimaha Jubbaland.

Xildhibaan Xasan Cabdi oo kamid ah Xildhibaannada Golaha Shacabka oo deegaan doorashadiisu tahay Jubbaland ayaa beeniyey warar maalmihii la soo dhaafay baraha bulshada lagu faafinayay oo ahaa in Beesha Caalamka Axmed Madoobe ka dalbadeen in doorashada markale dib loogu celiyo.

Waxaa uu sheegay Xildhibaanka in Xubnaha Beesha Caalamka ay Axmed Madoobe ka dalbadeen in uu wada-hadal la furo Dowladda Federaalka, isla markaana wada-shaqeyn la bilaabo cidii kale ee waxtabaneysana la qanciyo.

Dowladda Soomaaliya ayaa horay waxaa ay u sheegtay inaysan aqoonsaneyn doorashadii ka dhacday Kismaayo ee uu kusoo baxay Axmed Madoobe, waxaana Wasaaradda Arrimaha Gudaha ay soo saartay hab raac ku aadan doorasho kale oo la qabanayo.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *