Dowladda Federaalka ayaa shaqada ka hakisay hay’ado warbaahineed

Published: November 12, 2019

Dowladda federaalka Somaliya ayaa ruqsadii ay dalka kaga howlgalayeen kala laabatay labo hay’adood oo warbaahineed oo ka howlgala Somaliya

Qoraal ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta dowladda federaalka Soomaaliya ayaa lagu hakiyay shaqooyinkii ay Dalka ka hayeen hay’adaha kala aha Media Ink iyo Perspective Media,

Wasaarada waxay ku sababaysay kala noqoshada ruqada labada hay’adood ka dib markii ay raaci waayeen nidaamka ay Wasaaraddu u dejisay hay’adaha ka shaqeeya warbaahinta ee ku sugan gudaha Dalka.

Hay’adda Media ink oo fadhigeedu yahay magaaladda Hargaysa ee xarunta maamulka Somaliland ayaa Tababaro siisa wariyayaasha ka howlgala warbaahinta Soomaalida, waxay kaloo sameeyaan barnaamijyo gaar ah oo laga baahiyo idaacada dalka. hay’adahan ayaa ilo dhaqaale ka hela midowga yurub iyo hay’adaha warbaahinta caawiya.

Labada hay’adood weli kama hadlin go’aanka wasaaradda warfaafinta ee ay ruqsada kala laabteen.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *