Hay’ad Dawlada Federaalka Ka Tirsan Oo 10,000 ugu deeqday gurmadka fatahaadaha

Published: November 12, 2019

Hay’adda Socdaalka Iyo Jinsiyadda Soomaaliyeed ayaa lacag dhan $10,000 ugu deeqay Dadka ay saameeynta ku yeesheen fatahaadaha Webiyada Dalka, si wax loogu qabto dadkaasi Soomaaliyeed oo dhibaatooyinka la gudboon.

Mas’uuliyiinta Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ayaa Lacagtaas ku wareejisay Guddiga Qaran ee gurmadka fatahaadaha,si ay u gaarsiiyaan dadkii loogu talagalay.

Xubnaha guddiga ayaa uga mahadceliyay hay’adda socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya iyo howlwadeenadeeda sida ay uga qeyb qaateen u gurmashada walaalohooda oo dhibaataysan.

Tan ayaa waxaa ay qeyb ka tahay dadaalada loogu gurmanayo dadka Soomaaliyeed oo saameynta ay ku yeesheen fatahaadaha iyo roobabka.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *