Madaxweynaha Jubbaland “ Waxaan rabnaa inaan yareenno qatarta Al-shabaab”

Published: November 12, 2019
Sawir hore – Madaxwaynaha Jubbaland Axmed Madoobe

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo magaalada Kismaayo kula kulmay Wafdi kasocday hay’adda IOM oo uu hogaaminayo Mr Matthew DeCristofano IOM oo gacanta ku haysa xarunta DDR ee dhaqan celinta ee Kismaayo ku taala taas oo lagu dhaqan celiyo Dagaalamayaasha kasoo xarooda Al-Shabaab ayaa sheegay iney doonayaan yareenta qatarta Al-shabaab.

“Waxaan rabnaa inaan yareyno khatarta Al-Shabaab marabno in dhalinyaro soomaaliyeed intaa ka badan xabad ku sii dhintaan ayagoo fikrado khaldan aaminsan, Sidaa daraadeed waa in loola dhaqmaa sida ugu haboon ee lagaga dhaqi karo fikradaha ay aaminsanyihiin ee ay dadka ku gumaadayaan”

ayuu yiri Madaxweynahu.

“Al-Shabaabka soo xaroonaya waa inay arkaan waxa markay duurka ku jireen ee ay dagaalamayeen ay aaminsanaayeen iyo waxa ay ka aaminsanyihiin dowladnimada ee ah wax diinta ka baxsan wax ka badalan sidaa daraadeed waa in loo helaa culimo diin ahaan ugu sharaxda farqiga xagjirnimada iyo Dowladnimada si ay u fahmaan khaladka ay kujiraan uguna tanaasulan dad laynta iyo fikradaha xagjirka “

ayuu yiri Madaxweynahu.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *