Wasiir Cawad Oo soo dhoweeyay mowqifka QM ee tallaabooyinka Dowladda ee ku wajahan mideynta Soomaalida,

Published: November 12, 2019

Wasiirka arrimaha dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga Soomaaliya,Danjire; Axmed Ciise Cawad, ayaa Xafiiskiisa ku qaabbilay Shalay, wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey u qaabbilsan Soomaaliya, ahna madaxa howlgalka kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM), James Swan.

Labada Mas’uul ayaa waxay ka wada hadleen arrimaha la xiriira siyaasadda, nabadgelyada, Bini’aaddannimada iyo dhaqaalaha Dalka.

Wasiir Cawad waxa uu soo dhoweeyay mowqifka wanaagsan ee Qaramada Midoobey ay ka taagan tahay taageeridda iyo tallaabooyinka Dowladda ee ku wajahan mideynta Soomaalida, si loo gaaro himillada Dadka, isagoo caddeeyay in kulamada noocan oo kale ah ay xoojinayaan kaalinta Qaramada Midoobey ee danaha Dadka Soomaaliyeed.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *