Agaasimaha Sirdoonka Nigeria oo Muqdisho soo gaaray.

Published: November 13, 2019

Axmed Rufaaci Agaasimaha Hay’ada Sirdoonka Nigeria { NIA } ayaa booqasho qarsoodi ah kusoo gaaray Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya sida ay shaacisay Hay’ada Nabad Sugidda Soomaaliya NISA Mr Rufaaci ayaa ku jooga booqasho 2 cisho ah magaalada Muqdisho waxa uuna kulamo la qaatay dhigiisa Soomaaliya Fahad Yaasiin.

Waxaa booqasho shaqo oo laba maalin ah ku yimid Muqdisho Agaasimaha Sirdoonka Naajeeriya(NIA) Axmed Abubakar Rufaaci, isagoo kulan laqaatay dhigiisa Soomaaliya Fahad Yasin, waxayna kala saxiixdeen isfaham iyo wada shaqayn buuxda oo dhexmarta labada Hay’adood ee labada dal” ayaa lagu yiri warsaxafadeed kasoo baxay NISA.

Sidaan oo kale Bishii hore ee September ayay aheyd markii booqasho ku yimid Muqdisho Taliyaha Sirdoonka dalka Angola Gen. José Luís Caetano Higino de Sousa, sidoo kale waxaa iyaggu muqdisho yimid wafuud ka socday Sirdoonada dalalka Jabuuti, Qatar, Itoobiya, iyo Suudaan, iyagoo la is weydaarsanayo khibradaha amni ee dalalkaas u leeyihiin dhanka la dagaalanka Argagixisada.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *