Gar-gaarkii ugu horeeyay oo maanta gaadiid lagu gaynayo Mahadaay

Published: November 13, 2019

Waxaa markii ugu horeysay shalay magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hir-Shabeelle ka degtay diyaarad siday gargaar loogu tala galay qoysaska ay fatahaadaha wabiga Shabeelle ku saameeyeen degmooyin ay ugu horeyso Mahadaay oo ka tirsan gobolka Shabeellada Dhexe.

Diyaaradda siday gar-gaarkaas ayaa waxa ay ka baxday magaalada Muqdisho, taasoo ay dirtay dowladda federaalka, waxaana la socday gargaarkaas oo Muqdisho ka raacay mas’uuliyiin hoggaaminayeen Madaxweynaha maamulka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare iyo wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta xukuumadda Soomaaliya Cabdi Cashuur Xasan oo sidoo kalana ah xubin ka tirsan guddiga gurmadka fatahaadaha ee ay magacaawday dowladda federaalka.

Gar-gaarkaas ayaa lagu wadaa in maanta safar dhan dhulka ah lagu gaarsiiyo degamada Mahadaay oo ka mid ah magaalooyinka gobolka Shabeeelada Dhexe ee sida ay weyn ay u saameeyeen fatahaadihii uu gaystay Wabiga Shabeelle.

Sidii ay u dhaceen fatahaaduhu waa gargaarkii ugu horeeyay ee la gaarsiinayo magaalada Mahadaay, waxaana mudooyinkii ugu dambeeyay iska soo daba dhacayay cabasho ku aadan dhibka ay u geysteen fatahaaduhu oo ka soo yeereysay dadka ku nool magaalada Mahadaay ee gobolka Shabeelada Dhexe.

Wixii ka dambeeyay markii uu dalka ka curtay roobkaan da’aya ee Deyrta, waxaa jiray fatahaado ay geysanayaan wabiyada Jubba iyo Shabeelle ee mara qeybo ka mid ah gobolada koonfurta iyo bartamaha dalka, haba ugu darnaatee magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *