Hoggamiye ka tirsanaa Shabaab oo duqeyn lagu dilay

Published: November 13, 2019

War-saxaafadeed ka soo baxay taliska ciidamada Maraykanka ee Qaaradda Afrika (AFRICOM) ayaa lagu sheegay in duqeyn dhinaca Cirka ah oo ka dhacday agagaarka magaalada Jilib ee gobolka Jubbada Hoose lagu dilay hoggaamiye ka tirsanaa Al-Shabaab.

Qoraalka AFRICOM ayaa lagu sheegay in ciidamada Mareykanka oo kaashanaya saaxiibbadooda Soomaaliya ay shalay weerar xagga hawada ah ay ka fuliyeen meel ku dhow degmada Jilib , isla markaana ay la beegsadeen xubno ka tirsanaa  Al-Shabaab.

AFRICOM ayaa sheegay in weerarkaasi uu ahaa mid si taxaddar leh loo fuliyay, isla maraakana aysan wax dhibaato ah kasoo gaarin dadka rayidka ah ee ka ag dhowaa halka ay duqeyntu ka dhacday.

Mareykanka ayaa Sanadkan 2019-ka waxa uu kordhiyey weerarrada xagga Ccrka ah uu ka fuliyo Soomaaliya, waxaana duqeymahaasi qasaaro kala duwan loogu geystay kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *