Malayshiyaad ka soo horjeeda xukuumadda Deni oo gudaha u galay Bosaso

Published: November 13, 2019

Magaalada Bosaso waxaa saaka ka dhacay iska horimaad hubaysan oo dhexmaray ciidamo ku sugnaa Kontoroolka magaaladda iyo Maleeshiyaad hubaysan oo ka soo kicitimay dhinaca degmada Carmo ee gobolka Bari.

Iska hor imaadkaas waxaa ku dhintay labo askari oo ka tirsan ciidamada dowladda Puntland, waxaana ku dhaawacmay 6 askari oo kale oo haatan lagu dabiibiyo cusbitaaladda Magaaladda Bosaso.

Maleeshiyaadkan oo ku hubaysnaa hub culus iyo gawaarida dagaallka ayaa gudaha u galay magaaladda Bosaso, waxaana hoggaaminayay Taliye Ciise Maxamuud Yuusuf oo loo yaqaan Ciise Yulux , kaasi oo hore u ahaa hoggaamiye burcad-badeed, balse hadda hoggaamiya Maleeshiyaadka loo yaqaan Guuto Bari oo uu hore u qarameeyay madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Dowladda Puntland weli wax war ah Kama soo saarin Dagaalkii Saaka ka dhacay magaaladda Bosaso iyo ujeedka maleeshiyaadka Gudaha u galay magaaladda.

Midig, Ciise Yulux iyo Col Goroyo Cawl

Wararku waxay sheegayaan in Maleeshiyaadkan oo fariisimo ka samaystay duleedka Magaaladda iyo wadada tagta garoonka diyaaradaha Bosaso ay u yimaadaan magaaladda inay xoojiyaan ciidamo beeleedyo ay samaysteen ganacsato reer Bosaso ah, kuwasoo ka soo horjeeda in laga qaado mashruuc ay ka haystaan Ciidamadda Badda Puntland ee PMPF. Ganacsatadan ayaa maamulayay shirkadda PDG (Puntland development group) oo cidamada siin jirtay adeegyada asaasiga ah iyo lacagaha Mushaharka ee ay bixiso dowladda Imaraadka Carabta.

Xaalada Magaaladda Bosaso ayaa haatan degan mana girt dhaqdhaqaaq ka soda. waxaa magaaladda ku sugan Wasiirka amniga Puntland C/samad Galan, Gudoomiyaha cusub ee gobolka Bari Abwaan Yuusuf, Taliyaha Ciidamada, Duqa degmada Bosaso iyo Saraakiisha Ciidamada PMPF iyo PSF

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *