Qadar iyo Soomaaliya oo kala saxiixday dib u hawl gelinta heshii dhacay 1983dii.

Published: November 13, 2019

Guddiga dib u hawl-gelinta heshiiska Soomaaliya iyo Qadar ee ku saabsan fursad siinta Muwaadiniinta Soomaaliyeed in ay dalka Qadar ka helaan fursado Shaqo ayaa la kulmay guddiga dhiggooda ah ee dalka Qadar.

Heshiiska labada dal, waxaa la saxiixay sannadkii 1983-dii iyadoo dib loo hawl geliyey dabayaaqadii bishii September ee sannadkan,kaddib markii Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sadiiq Xirsi Warfaa uu safar shaqo ku tagey dalka Qadar halkaas oo uu kula kulmay mas’uuliyiin kala duwan oo uu ka midyahay Wasiirka Wasaaradda Hormarinta Maamulka, Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee dalka Qadar ,Mudane Maxamed Bin Yusuf Al-uthman Fakhruu.

Wasaaradaha Shaqada ee labada dal waxay soo magacaabeen guddi ka kooban lix xubnood oo loo xil-saaray isku xirka iyo dhaqan-gelinta heshiiska. Waxaa maalmahaan caasimadda Dooxa shir ku lahaa guddiga isku xirka iyo dib u hawl-gelinta heshiiska adeegsiga shaqaalaha ee labada dal, waxaana xalay guddigu uu saxiixay qorshe haw-leedka lagu fulinayo heshiiska waxaana ka mid ah;

1. In labada dal is-weydaarsadaan liiska shirkadaha ka shaqeeya arrimaha la xiriira qaadista shaqaalaha dalka dibadiisa loo qaadayo.

2. Waxaa la isla gartay in dawladda Soomaaliya qeyb ka hesho shaqaalaha ka shaqeyn doona Koobka Adduunka ee lagu qaban doono dalka Qadar sannadka 2022-ka.

3. Dawladda Qadar waxay adkeynaysaa ahmiyadda ay leedahay in Shaqaalaha Soomaaliyed uu u furanyahay suuqa shaqada ee dalka Qadar.

4. Waxaa la isla gartay in la abuuro diiwaan laga heli karo xogta iyo macluumaadka shaqaalaha Soomaaliyeed oo dhammaystiran.

5. Labada Wasaaradood waxay isla garteen in ay yeeshaan xafiisyo ka masuul ah xiriirinta arrimaha shaqaalaha.

a. Soomaaliya waxaa u qaabilsan xafiiska xiriirka arrimaha Carabta ee Wasaaradda Shaqada.

b. Sidoo kale dowladda Qadar waxaa u qaabilsan xafiiska xiriirka Caalamiga ah ee Shaqaalaha.

Labada guddi ayaa kullankooda hoosta ka xariiqay in sida u degdeg badan ay hawshu loo billaabo si shaqaalaha Soomaaliyeed ay fursad shaqo u helaan korna loogu qaado wada shaqeynta iyo xiriira labada wasaaradood.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *