Shaqaaqo ka taagan Kantaroolka Magaalada Boosaaso.

Published: November 13, 2019

Subaxnimadii hore ee Maanta waxaa kaantaroolka Magaalada Boosaaso Dagaal ku dhex maray Ciidamo ka tirsan Dawlada iyo Malayshiyaad doonayay in ay gudaha u galaan Magaalada, Ciidamada oo uu hogaaminayay Ciise Yulux ayaa si Arbush ah u soo weerayay ciidamada jooga kantaroolka Boosaaso , Ciidamada dawlada ee ku sugnaa gudaha Magaalada ayaa iyaggu ku baxay, Warar is khilaafsan ayaana kasoo baxaya haka ay hadda ku sugan yihiin ciidama malayshiyaadka ah.


Sidoo kale warar ay Horseed Media heshay ayaa sheegaya in Hay’ada PDG oo qaabilsanayd saadka ciidamada Badda Puntland ay xirtay qaar ka midda wadooyinka Magaalada Boosaso ee horta xarunteeda, Ciidamada soo weeraray Kaanratoolka Magaalada ayaana la sheegayaa in ay xoojin lahaayeen ciidamada gaarka ah ee ay leedahay Hay’ada PDG.


Weli ma cadda khasaaraha ka dhashay Dagaalkaan, waxaana lagu waramayaa in ay jirto dhaawac iyo dhimasho labada dhinac ah, Laamaha Amaanka Gobolka Barina kama aysan hadlin sida ay wax u dhaceen, Horseed Media waxa ay idiin soo gudbin doontaa wixii warar ah ee soo kordha

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *