Taliska CXD oo beeniyay in hub lagala baxsaday wasaarada Gaashaandhigga.

Published: November 13, 2019

Gen. Maxamed Cali Bariise Kusimaha Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka ahna Taliye ku xigeenka ayaa ka hadlay warar soo baxay oo sheegay in Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya lagala baxsaday hub, Taliye Bariise ayay wararkaas ku sheegay kuwa waxba kama jiraan ah, lana  lana doonayo in lagu marin habaabiyo ra’yi caamka bulshada.

“Waxaan halkan ku caddeynayaa in ay been aan sal iyo raad toona laheyn ay tahay wararka sheegaya in hub lagala baxasaday  Wasaaradda Gaashandhigga iyo Taliska XDS. Waa been lagu marin haabaabinayo Ra’yi caamka ah ee dadweynaha oo ay hurinayaan cadowga umadda Soomaaliyeed”ayuu yiri Gen. Bariise.

Taliye Bariise waxa uu sheegay in ciidamadu u taagan yihiin ilaalinta kaaramada, qiyamka iyo midnimada  ” Waxaan umadda ugu bishaareyneynaa in CXDS yahay astaan u taagan ilaalinta kaaramada, qiyamka iyo midnimada umadda Soomaliyeed isaga oo marnaba aan ka leex leexan baabi’inta iyo cirib tirka cadowga” ayuu sii raaciyay hadalkiisa Gen Bariise.

Horseed Media, 2019

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *