Wasiir Bayle oo Garoowe Yimid, Xili Xiriirka Puntland iyo Fedraalku Uusan Wanaagsanayn

Published: November 13, 2019

Wasiirka Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa maanta soo gaaray caasimada Puntland ee Garoowe.

Bidix, Wasiirka maaliyada Federaalka C/raxmaan Bayle iyo Wasiiru dowlaha Maaliyadda Puntland Maxamed Cabdulqaadir

Waftigan ayaa socdaalkoodu uu qeyb ka yahay shir maalmihii lasoo dhaafay ka socday Garoowe loogana hadlayay Hannaanka Maaliyadda dalka.

Waftigan waxaa kusoo dhaweeyay Garoowe Wasiir dowlaha Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Maxamed Cabdulqaadir Cismaan iyo mas’uuliyiin kale.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr Beyle ayaa la filayaa in maalmaha soo socda in uu ka qeybgalo shir looga hadlayo hannaanka Maaliyadda dalka.

Shirkan waxaa qeyb ka ah Xildhibaano ka tirsan Aqalka sare, madaxda Maaliyadda Dawladda Federaalla iyo madaxda Maaliyadda Dawladdaha xubnaha ka Dawladda Federaalka Soomaaliya.

Imaanshaha wasiirka maaliyadda federaalka ayaa ku soo beegmaya iyadoo xiriirka dowladda federaalka iyo Puntland uu meeshii u hoosaysay uu marayo, iyadoo marar badan Puntland eedayn u soo jeediysay dowladda federaalka.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *