Waa Kuma Gudoomiyaha Cusub ee Baarlamaanka Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil?

Published: November 14, 2019
Gudoomiyaha Cusub Cabdirashiid Yuusuf Jibriil

Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa maanta loo doortay Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland, 47 cod ayuu kaga guuleystay Xildhibaan Cabdi Jamaal Maxamed Cusmaan oo wareega ugu danbeeyay ee doorashada ay ku tartameen.

Cabdirashiid ayaa siyaasada soo galay bilawgii doorashadii 2014, waxa uu ahaa qurba joog muda dheer ku noolaa Wadanka Denmark, waxa uuna markii danbe usoo guuray Magaalada Brigmiham ee Dalka Uk, waxaana aad loogu xasuustaa heeso iyo suugaan kala duwan oo u sameeyay Dawlada Puntland iyo kuwa kale oo ku dhaliilayay Madaxdii Markaas taladda haysay, sidoo kale waxa uu aad usoo shaacbaxay xiligii olalaha doorashada Puntland 2014 isaggoo taageero wayn u ahaa Madaxweynihii hore ee Puntland.

Doorashadii Cabdiweli Gaas ka dib waxaa loo magacaabay Agaasimaha Xafiiska Warfaafinta Madaxtooyada Puntland, marka laga yimaado shaqadiisa haddana waxa uu ka mid ahaa dadka saamaynta xoogan ku leh Madaxtooyada aadna uga agdhawaa Madaxweyne Gaas.

Cabdirashiid Tartan adag oo uu galay 2019 ayuu nasiib u helay in uu ka mid noqdo baarlamaanka Puntland isagoo kasoo galay Gobolka Sanaag, waxaana xusid mudan in kursiggaaas uu mudo dheer ku fadhiyay Gudoomiyihii Hore Axmed Cali Xaashi oo laba jeer golaha baarlamaanka Puntland soo hoggaamiyay, Cabdirashiid waxa uu shaaciyay in uu sharaxan yahay Gudoomiyaha doorashadii 2019, waxa uuna ku haray Wareega Koowaad.

Bidix Gudoomiye ku xigeenka Barlamaanka Cabdicasiis, Dhexda Madaxweyne Deni
iyo Gudoomiye Cabdirashiid Yuusuf

Dadka Falaanqeeya Siyaasada waxay leeyihiin Guusha Cabdirashiid waxaa gacan wayn ka gaysatay Madaxtooyada Puntland oo galaan-gal siyaasadeed ku leh baarlamaanka, Sidoo kale waxaa jirra Saaxiibo kale oo xildhibaanada ka mid ah kuwaas oo xiriir gaar ah la leh Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, Su’aasha is waydiinta Mudan ayaa ah Golaha Baarlamaanka Puntland ma waxa uu noqon doonaa mid ku milma Golaha Fulinta mise waxa uu noqon doonaa mid si adag ula xisaabtama Xukuumadda oo rabitaan bulsho muujiya?

Horseed Media 2019

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

1 Comment

  1. Asc waxaan lee yahay dadka la soo dhodhobay oo hunguriga qaatay gudoomiyan ma ahaan hore bey puntland u lee heed gudoomiye wax ka qaadi karaa ma jirto gudoomiya xaaga waa ninkii xaran ku naxyasha ay dheehen xilkii baan ka qaaday wax aad ka qaaden ma jiro isaga baa xaaq ah ee dani xaraan ku nax baan xilka ka tuuren isha,allaah puntland ha miidowdo cadow u ku hogaamiyo dani iyo xaraan ku naxaayash