Dhoobo-daareeed ” Wada lahaanshihii Puntland wuu dhamaaday “

Published: November 14, 2019

Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Dowladda Puntland Cabdixakiim Dhoobo-daareed ayaa sheegay in wada lahaanshaha Puntland  uu dhamaaday maaddaama koox gaar ah xoog kula wareegtay maamulka dowladda.

Dhoobo-daareed ayaa sheegay in Kooxda uu hoggaamiyo Siciid Cabdullahi Deni ay uga adkaadeen siyaasad ahaan hase ahaatee ay adeegsadeen lacag iyo xoog.

Xildhibaannada oo uu sheegay in ay wakiil ka yihiin dadweynaha Puntland ayuu ku eedeeyay in ay lacag yar dhaafsadeen dhaartii ay u mareen ilaalinta Puntland.

” Waxaase ka sii daran dadkii masuuliyadda shacabka la saaray oo dhaawici iyo meydkii oo yaal ka xishoon waayey war bal aan meydka aasno”.

ayuu yiri isaga oo dadka Degmada Dhahar la hadlayay.

Dhoobo-daareed ayaa xilka laga qaaday Khamiistii todobaadkii hore, waxaana maanta lagu wadaa in Garowe lagu doorto qofkii isaga beddeli lahaa.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *