Doorashada Soomaaliya oo la shaaciyay xiliga la qabanayo!

Published: November 14, 2019
Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan

Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo ku sugan magaalada Jigjiga ee Ismaamulka Soomaalida ayaa sheegay in doorashada soo socta ee Soomaaliya ku dhici doonto waqtigii loogu talagalay, isaga oo meesha ka saaray dib u dhac ama muddo korarsi.

“Doorashada Soomaaliya xiligii loogu tala galay ayay dhici doontaa ,waxaa uu barlamaanka hadda gacanta ku haya sharciga doorashada oo guddii loo magacaabay, waxaana rajeeneynaa bishan Noofeembar in barlamaanka ka doodo sharcigaas, bisha Diseembar na la ansixiyo sharciga doorashada”, ayuu yiri guddoomiye Mursal oo la hadlayay BBC-da.

Guddoomiyaha ayaa intaa ku daray in mudo xileedka dowlad walba ay ku qoran tahay dastuurka, oo dowladda walba ay heysato Afar sano, marka Afartaas sano ay dhamaatana doorashada la qaban doono.

Barlamaanka Soomaaliya ayaa guddi u magacaabay sharciga doorashada la filayo in dhawaan ay ka dhacdo dalka, waxaana guddigaas uu kulamo ugu tegay inta badan maamulada dalka, si ay uga ra’yi dhiibtaan sharciga doorashada.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *