Wasiir Beyle oo shir uga qeybgalaya Garowe

Published: November 14, 2019

 

Wasiirka Wasaaradda Maaliyada Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa magaalada Garowe uga qeybgalaya shir looga hadlayo arrimaha maaliyada dalka oo maalmihii ugu danbeeyayba xubno ka tirsan Aqalka sare uga socda Garoowe.Kulankan ayaa ujeedadiisu tahay sidii wadajir looga tashado, go’aan mideysanna laga qaato sharciyada maaliyadda dalka.

Qorshaha Maaliyadda dalka ayaa haatan maraya meel wanaagsan, iyadoo ay Beesha Caalamka iyo hay’adda Lacagta Adduunkuba si weyn u bogaadiyeen habaynta dhaqaalaha Soomaaliya.

Shirkan ayaa ugu danbeyn la filayaa laga soo saaro war-murtiyeed la xiriira qoddobada shirka iyo go’aamada ka soo baxay.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *