Xasan Cali Kheyre oo la kulmay Madaxweyne ku xigeenka Midowga Yurub

Published: November 14, 2019
Xasan Cali Khayre iyo Federica Mogherini.

Ra’isalwasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa Magaalada Brussels ee dalka Belgium-ka kula kulmay Madaxweyne ku xigeenka Ururka Midowga Yurub Federica Mogherini.

Kulanka ayaa looga hadlay xariirka xooggan ee ka dhexeeya midawga Yurub iyo Soomaaliya, nabadda, amniga, horumarinta dhaqaalaha iyo taageerada xoojinta dimuquraadiyadda.

Federica Mogherini oo sidoo kale ah wakiilka midawga Yurub ee arrimaha dibadda iyo siyaasadda amniga ayaa adkeysay sida ay midawga Yurub ka go’antahay in Soomaaliya ay ku taageeraan hiigsigeeda dhismaha Soomaaliya ku tillaabsata siyaasad loo dhanyahay, amni, dhaqaale ahaanna horumarsan oo ka faa’iideysata bulshadeeda hal abuurka leh ee dhallinyarada u badan iyo khayraadkeeda dabiiciga ah.

Kulanka Ra’iisul Wasaaruhu uu ka la qaatay Federica Mogherini ayaa qayb ka ah shirar uu Brussels kula qaadanayo hoggaanka midawga Yurub.

Ra’isalwasaare Kheyre ayaa Todobaadkan Magaalada Paris ee dalka France uga qeybgalay shirka Madasha Nabadda Paris halkaas oo uu kula kulmay madaxda ilaa sideed dal oo ka qeybgalay shirkaas waxaana uu uga sii gudbay Brussels.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *