Madaxweyne Farmaajo oo Dib Ugu Soo Laabtay Mudisho.

Published: November 15, 2019

Madaxaweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdigii kala qeyb galay Shirka Dadweynaha iyo Horumarinta ee Nayroobi ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaaladda Muqdisho

Madaxweynaha ayaa inta uu ku sugnaa Nayroobi waxa uu kulan doceedyo la yeeshay qaar ka mid ah Madaxda iyo hoggaamiyeyaasha ka soo qeyb galay shirka

Wuxuu sidoo kale magaaladda Nairobi kuka kulmay madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyata oo heshiis ku wada gaareen in la caadiyeeyo xiriirka labada dowladood, dibna loo soo celiyo khadadkii diyaaradihii tooska isaga gooshi jiray Muqdisho iyo Nairobi. waxaa kaloo labada madaxweyne ku heshiiyeen in Muranka xuduuda badda ee kiiskeedu yaalo maxkamada Heagu uusan saamayn xiriirka labada dowladood.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *