Maxay ku heshiiyeen Madaxweyne Farmaajo iyo Uhuru?

Published: November 15, 2019

Magaalada Nairobi ee Xarunta wadanka Kenya waxaa kulan uu ku dhex maray Madaxweynaha Dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo iyo madaxweynaha Dawlada Kenya Uhuru Kenyatta, kulankaan ayaa looga hadlay sidii loosoo celin lahaa xiriirka labada dal, loona xoojin lahaa xiriirka ka dhaxeeya labada dal.

Labada Madaxweyne ayaa shir jaraaid oo ay si wadajir u qabteen waxay soo bandhigeeen 4 qodob oo ay ku heshiiyeen kuwaas oo ay ugu muhiimsanayd in xiriirka labada dal sidii hore laggu soo celiyo, sidoo kalena aysan waxa saamayn ah ku yeelan kiiska badda ee yaala Maxkamadda ICJ.

Labada dawladoo ayaa ku heshiiyay

1. In xiriirka labada dal lagu celiyo sidii caadiga ahayd.

2. Xoojinta xiriirka ganacsiga ee labada dal.

3. Duullimaadka tooska ah ee Muqdisho in dib loogu soo celiyo toddobaad gudahiis.

4. Saraakiisha Dowladda iyo Shaqaalaha Rayidka ah in ay dal ku galka ay ka qaataan Garoomada Nairobi.

Horseed Media, 2019

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *