China iyo Rasia oo ka aamusay cunaqabateyntii hubka ee la dul-dhigay Soomaaliya

Published: November 16, 2019


Holaha Qaramada Midoobey

Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobey ayaa kordhiyay muddada ay Soomaaliya saarnaaneyso cunqabateynta dhinaca hubka ah, waxaana sidoo kale lagu daray waxyaabo cusub oo aan horay uga mid ahayn cunaqabateynta.

15-ka dal ee Golaha amaanka ee Qaramada Midoobey ayaa xalay cod u qaaday in cunaqabateynta Soomaaliya ee dhinaca hubka lagu daro mudd hal sano ah,waxaana codbixintii ku dhamaatay 12 cod iyo 0.

Qaraarkan oo ay soo gudbisay Dowladda UK ayaa waxaa ka aamusay Dalalka Russia , China iyo Equatorial Guinea, waxaana ay sheegeen in sababta ay uga aamuseen tahay in ay walaac ka muujinayaan waxa ay ka koobanyihiin qodobada loo cuskaday cunaqabateynta oo qaarkood xadgudub ku ah xuquuqda aadanaha.

Waxyaabaha cusub ee lagu daray cunaqabateynta waxaa ka mid ah kiimikooyinka laga sameyn karo walxaha qarxa maaddaama Al-shabaab aad u adeegsadaan qaraxyada ay ku farsameeyaan gudaha Soomaaliya.

Sidoo kale cunaqabateynta ka ganacsiga dhuxusha Soomaaliya ayaa ka mid ah waxyaabaha ku jira qaraarka cusub oo 8-dii sano ee ugu dambeysay ka mid ahayd.

Golaha amaanka ayaa sidoo kale cambaareeyay hubka iyo rasaasta sida sharci darrada ah ugu qulqulaya Soomaaliya ee xadgudubka ku ah cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *