Muuse Biixi: Farmaajow Waa Aragnaa Waxaad Soo Wado [DAAWO]

Published: November 16, 2019

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo maanta ka hadlay magaaladda Hargaysa ayaa ku eedeeyay xukuumadda federaalka in dhaqaalihii caalamku siiyay ay u adeegsanayso inay Colaad ka abuurto Magaalooyinka Somaliya, Dagaalna ay kula soo maqan tahay Maamulka Somaliland.

Wuxuu ku eedeeyay madaxweyne Farmaajo inuu ku soo tababaranayo colaado uu ka hurinayo Magaalooyinka Muqdisho, Kismaayo, Dhuusamareeb iyo Maamulka Puntland oo uu ku soo maqan yahay Somaliland.

“ Waxaas oo dhan iyadoo la galiyay, maanta kismaayo dagaal baa ka socda, Xamar dagaal baa ka socda oo Dowladda Farmaajo labadii madaxweyne ee Ka horreeyay maalin walba waa xirtaa,Dhuusamareeb dagaal baa ka socda, Puntland baa u dambaysay oo waataa la qarxiyay, waxaan wada waa dowladda Farmaajo, kuwaasi waa ku soo tababaraysaa oo ku soo diyaar garoobaysaa, Somaliland bay u soo diyaar tahay colaadeed oo ku soo maqan tahay

Madaxweyne Muuse Biixi wuxuu sheegay in Caalamku uu malaayin lacag ah uu siiyo dowladda federaalka, islamarkaana uu u tababarayo Ciidamo, halka Somaliland ay 30kii sanno ee la soo dhaafay ay isku tashanaysay oo ayan Kaalmo ka helin beesha caalamka.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *