Puntland oo Beenisay in Ciidamadii Soo Galay Bosaso ay Taageerayeen Shirkadda PDG [DHAGAYSO]

Published: November 16, 2019
Bidix, Ciise Yulux iyo maleeshiyaadkiisa oo soo galay magaaladda Bosaso, 13 11 2019

Dowladda Puntland ayaa markii u horraysay ka hadashay ciidamadii soo galay magaaladda Bosaso iyo isku hor-imaadkii dhimashada iyo dhaawaca keenay ee ka dhacay Kontoroolka Magaaladda.

Wasiiru dowlaha Arrimaha gudaha, Faderaalka & Dimuquraadiyadda Maxamed Axmed Kulan oo la hadlay Idaacada SBC waxaa uu sheegay in Ciidamada soo galay magaalada ay ahaayeen ciidamo gadooday oo ka tirsanaa ciidamada daraawiishta Puntland, islamarkaana la xaliyay tabashadoodii dibna loogu celiyay fariisamahoodii.

Wasiirk Kulan, wuxuu beeniyay in sababta ciidamadu u soo galeen magaaladda Boosaaso ay la xiriirtay inay taageerayeen Shirkadda PDG oo dowladda Imaraadku ay kala laabatay qandaraaskii adeeg siinta ciidamada badda Puntland ee PMPF.

13kii November ayaa Maleeshiyo iyo tikniko uu watay Ciise Yulux oo hore u ahaa hoggaamiye Burcad-badeed waxay weerar ku qaadeen ciidamo Booliis ah oo joogay Kontoroolka magaaladda Bosaso, weerarkaasi oo ay ku dhinteen Labo Askari, kadibna waxay xoog ku soo galeen Magaalada Bosaso.

Qaar ka mid ah isimadda Puntland oo maalintii shalay kulan kula yeeshay Ciise Yulux xarunta PDG ee Bosaso ayaa ku qanciyay in ciidamadiisa ka saaro magaaladda, dibna ugu celiyo magaaladda Carmo. Isimadda ayaa ballanqaaday in wadahadal lagu dhamayn doono tabashada ganacsatada PDG ee laga qaaday qandaraaska.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *