Reer Beledweyne oo dib ugu noqonaya guryahoodii

Published: November 16, 2019
Beledweyen

Qoysaskii ka barakacay fatahaadii cusleyd ee dhawaan ku dhufatay magaalada Beledweyne ayaa hadda bilaabay in ay si tartiib tartiib ah u soo guryo nodaan, kaddib markii ay magaalada ka baxeen biyihii ku dhuftay

Laakiin marka laga soo tago khasaaraha nafeed oo ay geysteen daadadkan dhinaca kale waxaa jira saameyn adag oo ay ku yeesheen qaab nolaleedkii guud ee bulshada iyo burbur hantiyeed oo baaxad leh soo gaaray qaar ka mid ah qoysaskii ku dhaqnaa magaalada oo ay Fatahaadu la tagtay guryihiin ay ku noolaayeen.

Dadka fara-ku tiriska ah ee hadda bilaawday in ay dib u soo guryo noqdaan ayaa dhinaca kale wajahaya xaalada adag oo caafimaad kaddib markii ay dilaacday Kaneeco xad dhaaf ah oo ka dhalatay biyaha iyo wasaqda ay Fatahaadu reebtay kuwaa oo wali dhax ceegaagga qaar ka mid ah xaafaddaha magaaalada.

Waxaa jira digniinno caafimaad loo jeedinayo bulshada reer Beledweyne iyo cudurro ka dilaaci kara magaalada sida Maleeriyada iyo Shuban biyoodka oo gaar ahaan halis ah carruurta oo iyagu u nugul cudurradan.

Dadka ugu badan ee wali ku sii harsan deegaannada loo barakacay ayaa wali rajo ka qaba kaalmo ay ka helaan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Beesha caalamka iyo in laga caawiyo sidii ay mar kale dib ugu bilaabi lahaayeen nolashii ka burburtay oo ay ugu sii daran yihiin burburka ku dhacay guryihiin ay ku noolaayeen oo qoysaska qaarkood aysan awood u laheyn in ay dib u dhistaan.

Qarramada Midoobey ayaa sheegtay in lacag dhan $18.7 Million oo dollar ugu deeqday dadkii ay  Fatahaadu saameysay kuwaa oo u baahan Hooy, Biyo nadiif ah, Cunto iyo gar-gaar caafimaad.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *