Barack Obama oo digniin u diray Dimuqraadiyiinta isbedel doonka ah

Published: November 17, 2019
.

Madaxweynihii hore dalka Maerykanka Barack Obama ayaa digniin u diray musharaxiinta madaxweynaha ee xisbiga Dimuqraadiga, waxa uuna uga digay siyaasadaha aan xaqiiqda ku saleysnayn.

Mr Obama ayaa sheegay in Dimuqraadiyiinta ay khatar ugu jiraan inay lumiyaan codbixiyaasha. Madaxweynihii hore oo ka hadlayay munaasabad dhaqaale lagu uruurinayay ayaa waxa uu sheegay in codbixiyaal badan aysan doonayn in habka siyaasadeed la baabi’iyo .

Ilaa 18 musharax oo ka socota xisbiga Dimuqraadiga ayaa u tartamaya inuu mid walba noqodo musharxii xisbiga ku matali lahaa doorashada 2020-ka ee Mareykanka.

Musharaxiinta ugu cad-cad waxaa ka mid ah madaxweyne ku xigeenkii hore ee Joe Biden, Elizabeth Warren, Bernie Sanders, iyo Pete Buttigieg.

Mr Obama ayaanan intii uu ka hadlayay munaasabadda carrabaabin musharax Khaas ah sidoo kalana ma uusan dhaleeceyn siyaasi gooni ah, taasi bedelkeedana waxa uu isticmaalay erayo uu ku boorinayo dimuqraadiyiinta oo dhan oo ay ka mid ahaayeen: ”fiiro gaar ah u yeelo cod bixiyayaasha” adigoo diiradda saaraya arrimaha la xiriira daryeelka caafimaadka iyo soogalootiga.

Mr Obama, oo Aqalaka Cad ka arriminayay intii u dhaxeysay sannadadii 2009-kii ilaa iyo 2017-kii ayaa sheegay in dalka uusan u baahanayn isbedel weyn balse uu u baahan yahay hormarinada ay shacabka daneeynayaan.

Isha – BBCSomalia

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *