Cumar Filish oo xariga ka jaray mid kamid ah waxqabadkii Eng. Yariisow [Daawo]

Published: November 17, 2019

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamud Maxamed Cumar Filish ayaa maanta  waxa uu xariga ka jaray wadada isku xirta isgoysyada Baar-Ayaan iyo Siinaay ee ka kala tirsan degmooyin ku yaalla Yaaqshiid iyo Wart-Nabadda ee magaalada Muqdisho.

Dhismaha wadadan ayaa kamid ah waxqabadkii duqihii hore ee Muqdisho marxuum Eng. Yariisow.

Guddoomiye Cumar Filish oo goobta xari jarka kula hadlay warbaahinta iyo bulshadii ku sugnayd goobta xarig jarka, ayaa waxa uu u diray baaq ah in bulshada doorkeeda looga baahan yahay in ay ka qaataan dhismaha Caasimada Muqdisho.

Wadadan maanta uu xarig ka jaray guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Cumar Filish ayaa waxa ay ka mid tahay waddoyinka halbowlaha u ah magaalada Muqdisho.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *