Garoowe:Madaxa Hay’ada ICRC ee Somaliya Oo La Kulmay Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland

Published: November 17, 2019

Wafdi uu hoggaaminayo madaxda Cusub ee Hayádda laanqayrta cas ee ICRC ee dhawaan loo soo magacaabay Soomaaliya Mr Juerg Eglin ayaa maanta soo gaaray magaaladda Garoowe, waxaana uu la kulmay Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay

Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane, Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa Madaxda Hayádda ICRC uga mahadceliyey booqashadooda, wuxuuna kadib ka dhegaystay warbixin ay ka siiyeen halka ay marayaan howlaha gargaar iyo bani’aadanimo ee ay ka wadaan deegaanada Puntland.

“Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane, Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa u sheegay Madaxda Hayádda ICRC in waxqabadkooda ay ku saleeyaan baahiyaha deegaanada ka yimaada iyo sidii looga jawaabi lahaa sida ay u kala muhimsanyihiin” Ayuu yiri Jaamac Dabaraani, Afhayeenka Ahna Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Dowladda Puntland.

Kulanka Madaxweyne ku-xigeen Axmed Karaash iyo Madaxa Hayádda laanqayrta cas ee ICRC Mr Juerg Eglin waxaa goobjoog ka ahaa Madaxa ICRC ee Puntland Emmanuel Lippolis, iyo Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Dowladda Puntland.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *