Madaxweyne Axmed Madoobe oo digniin u diray Agaasimayaasha [Daawo]

Published: November 17, 2019
Madaxwaynaha Jubbaland Axmed Madoobe

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa kulan la qaatey agaasimayaasha wasaaradaha iyo gudiyada madaxa banaan ee Jubbaland.

Kulankan oo ay ujeedadiisu ahayd hubinta iyo dhageysiga waxqabadka wasaaradaha iyo gudiyada madaxa banaan ee Jubbaland ayaa ka qabsoomey hoolka shirarka ee madaxtooyada Jubbaland ee magaalada Kismaayo.

Agaasimayaasha ayaa mid mid uga warbixiyey waxqabadka wasaaradaha ay maamuulaan, sida ay u fulaan mashaariicda kusoo dhaca wasaaradaha iyo caqabadaha ay wajahaan xilliyada ay ku gudo jiraan daadejinta adeegyada bulshada.

Madaxwaynaha oo dhagaysanaya warbixinta agaasimayaasha Jubbaland.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa kadib dhageysiga warbixinta agaasimaayaasha uga mahadceliyey kuna dhiiri galiyey shaqada ay u hayaan bulshada reer Jubbaland iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed isla markaana ballan qaadey in caqabad kasta oo soo wajahda daadejinta adeegyada dowladu shacabka gaarsiiso loo xallin doono sida ugu dhakhsaha badan.

Madaxweynaha ayaa si adag uga digey in agaasimayaashu ku dhex milmaan siyaasadda maadaama aysan shaqadoodu ahayn siyaasad ee ay tahay inay adeegyada dowlada gaarsiiyaan shacabka.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *