Hogaamiyaha Xisbigga Wadani ” Aniga iyo taageerayaasha-ba rasaas ayaa nala ku riday”

Published: November 18, 2019
Cabdiraxmaan Cirro Hogaamiyaha xisbigga Wadani.
[ Source Image Faceebook ]

Somaliland saacadihii lasoo dhaafay waxaa ka taagnayd xiisad siyaasadeed oo u dhaxaysa xukuumada uu hogaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi iyo Xisbigga Mucaaridka ah ee Wadani, Hogaamiyaha Xisbiggaas Cabdiraxmaan Cirro ayaa ku baaqay in taageerayaasha Magaaalada Hargaysay ee Xisbigga ay isugu yimaadaan xarunta dhexe balse taas waxaa ka hor yimid ciidamada Amaanka waxayna saaka jareen Dhamaan Wadooyinka laga soo gallo xafiiska.

Cabdiraxaamn Cirro iyo Tagaeerayaasha Xisbigga Wadani

Gudoomiyaha Xisbigga Wadani Cabdiraxmaan Cirro ayaa saaka isaggu halkaas gaaray iyadda oo ay weheliyaan xubno ka tirsan xisbigga, Cirro waxa uu sheegay in loo adeegsaday Rasaas sidoo kalena loo soo ka xaystay Kaarayaal, waxa uu sheegay in xukuumadu ay ku ciyaarayso nabad-gelyadda. waxaa sidoo kale cabdiraxmaan cirro sheegay in hal askari uu ku dhaawacmay rasaastaas.

Xukuumaddu iyada ayaa nabadgelyada ku ciyaaraysa, Xisbina xaq looguma laha in xaruntoodu xoog lagu qabsado, xukuumadda waxa aan ugu baaqayaa in aanay xaalad abuurin. Aniga rasaas la igu rido iyo kaare la ii soo kaxaysto midna naga joojin mayso in aanu waajibaadkayagu gudano oo aan xafiiskaygii tago” ayuu yirii gudoomiyuhu.

Xogahayaha Xisbigga Wadani Khadar, Afhayeenka Xisbigga Wadani Barkhad

Sidoo kale waxaa iyaggana saaka xabsigga Mandheera loo dhaadhiciyay Af-hayeenkii Xisbigga Wadani Barkhad Batuun iyo Xoghayihii guud ee Xisbiggaas Khadar Guuleed, masuuliyiinta ayaa xalay loo taxaabay xabdigga dhexe ee Magaalada Hargaysa.

Cabdiraxmaan Cirro ayaa falkaas ku tilmaamey mid argagixiso, waxa uuna ku baaxay in deg-deg loo siiyo xoriyadooda masuuliyiinta ka tirsan xisbigga wadani ”

Xoghayaha Guud iyo Afhayeenka Xisbiga waxaa loo dhaadhiciyey Maandheera, falkaasi waa fal argagixiso ah oo aan sinnaba loo aqbali karayn. Mar labaad baan ku baaqayaa in xorriyadoodii si degdeg ah dib loogu soo celiyo. Muuse iyo gacan-yarayaashiisu nabadda ha ilaaliyaan” ayuu yiri hogaamiyaha Xisbigga Wadani.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *