Madaxweyne Farmaajo iyo Hogaanka Madasha Xisbiyadda oo kulmaya.

Published: November 18, 2019
Xildhibaan Cabdiqaadir Cosoble.

Xildhibaan Cabadiqaadir Cosoble Cali oo ka tirsan Baarlamaanka Dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya oo waraysi siinayay Tvga Somali Cable ayaa markii ugu horeysay si rasmi u cadeeyay in madaxda madashada xisbiyada iyo Madaxweyne Farmaajo ay kulmi doonaan, Cabdiqaadir Cosoble waxa uu xusay in kulankaas ay rajaynayaan in madaxweyne Farmaajo uu raaligelin ka bixin doono dhibaatadii loo gaystay Madaxdii hore ee Dalka.

” Maalinkii uu madaxweyne Sheekh Shariif shirka qabtay ayuu Madaxweyne Framaajo soo wacay, waxa uuna ka codsaday in ay kulmaan, Madaxweyne Shariif waxa uu u sheegay in uu madal xisbiyo matallo, uuna dib ugu laaban doono, haa way kulmi doonaan waxaana rajaynayaa in uu kulankaas mid sawir keli ah uusan ahaan ee madaxweynuhu uu raali-gelin ka bixiyo wixii loo gaystay madaxdii hore, xildhibaano qaran iyo shacabka la saranaa diyaarada safarkii beledwayne” ayuu yiri Xildhiibaan Cosoble.

Ugu danbay Xildhibaanku waxa uu walaac ka muujiyay xaalada siyaasadeed ee dalka si gaar ah waxa arimaha doorashooyinka oo uu sheegay in aan ilaa iyo hadda si wax loo waddo aysan ka warhayan, waxa uu sidoo kale tilmaamey in ay muhiim tahay in la cadeeyo maqaamka caasimada muqdisho iyo matalaada dadka Gobolka Banaadir.

Horseed Media, 2019

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *