Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre Iyo Amiirka Qatar Oo Dooxa Ku Kulmay

Published: November 18, 2019
Source: OPMSOMALIA

Xasan Cali KhayreRa’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane  ayaa magaalada Dooxa kulan kula qaatay Amiirka Qatar Thamim Binu Hamad. Kulanka dhex maray Ra’iisul Wasaare Xassan Cali Khayre iyo Amiir Tamim bin Hamad Al Than ayaa looga hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga laba geesoodka ah labada dowladood iyo labada shacab ee walaalaha ah.

Ra’iisul Wasaaraha iyo Amiirka ayaa sidoo kale isla soo hadal qaaday horumarka ay dowladda Soomaaliyeed ku tillaabsatay sadaxdii sano ee lasoo dhaafay ee ay taladda dalka haysay.

Dowladaha Soomaaliya iyo Qatar ayaa waxaa ka dhaxeeya xiriir iskaashi ganacsi, amni iyo mid dhaqaale, waxaana dowladda Qatar ay Soomaaliya ka fulisaa mashaariic horumarineed oo looga qayb qaadanayo dib u soo kabashada dalka.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *