Golaha Wakiiladda Puntland oo ansixinaya miisaaniyadda 2020-ka

Published: November 19, 2019

Baarlamaanka Dowladda Puntland ayaa la filayaa maanta [ Talaado ] ay meel-mariyaan odoroska miisaaniyadda ee sannadka 2020-ka.

Odoroska miisaaniyadda 2020-ka oo dhan $ 346,416,158.99 Milyan oo Dollar, ayaa waxaa ansixiyay Golaha Wasiirada Puntland, kadib markii ay soo gudbisay wasaaaradda Maaliyadda.

Wasiirka Maaliyadda Puntland, Xasan Shire Cabdi Abgaal

Wasiirka Maaliyadda Puntland, Xasan Shire Cabdi Abgaal ayaa sheegay in lagu saleeyey baahiyaha as’aasiga ah  iyo sida ay u kala mudan yihiin, iyadoo lagu xisaabtamayo dakhliga lasoo xarayn karo iyo caawimaada la heli karo.

Miisaaniyadan oo ah tii ugu badneyd ee ay soo gudbiso wasaaradda Maaliyadda Puntland, waxa  ka dhex muuqda lacago loo qoondeeyay hawlaha horumarinta sida dhisamaha Wadada Ceeldaahir-Ceerigaabo, dayactirka wadada Garowe-Laascaanood iyo wadada Garowe -Bosaaso, sidoo kale waxaa kamida dhismayaasha ceelal biyoodyo, horumarinta waxbarashada, caafimaadka iyo sugidda  amniga.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *