Gudoomiye degmo oo isku dhiibay Koonfur Galbeed

Published: November 19, 2019
Ibraahim Maxamed Shigshigow

Guddoomiyihii hore ee degmada Diinsoor Ibraahim Maxamed Shigshigow ayaa isu dhiibay Koofur Galbeed kaddib dagaalkii uu shalay kula galay magaaladaas.

Saraakiil ka mid ah Koofur Galbeed ayaa ku qaabilay degmada Diinsoor oo shalay xoog looga saaray.

Inta la xaqiijiyay Shan qof ayaa ku dhimatay oo dhinacyadii dagaallamay ah halka tiro kale ay ku dhaawacmeen kaddib markii ay isku dhaceen ciidamada Koofur Galbeed iyo ilaalada Guddoomiyaha hore.

Shigshigow ayaa xilka laga qaaday dhawaan waxaana uu diiday in uu xilka wareejiyo taas oo ay ka dhalatay in xoog lagu wajoho.

Ciidamada Koofur Galbeed Soomaaliya ayaa shalay magaalada dagaal uga saaray ciidamada Shigshigow isaga oo aan kala caddeyn sababta uu isu dhiibayna waxaa uu maanta ku laabtay Diinsoor.

Ilo ku sugan Diinsoor ayaa sheegaya in Shigshigow ay qabsatay Labada daran mid dooro taas oo ah in uu ku laabto dagaalka uga saaray Degmada iyo in uu u gacan galo Al-shabaab oo aan ka fogeyn Diinsoor una go’doonsantahay.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *