Miisaaniyadda Puntland ee 2020 Maxaa iska beddalay ? Faallo

Published: November 19, 2019
Shares116

Golaha Xukuumadda ee Puntland ayaa ansixiyey odoroska ama saadaasha Miisaaniyadda 2020, taas oo wax badan ka badan Miisaaniyaddii hore, waxaana aad loogu kala aragti duwanaadey sababta Miisaanaydda Puntland odoroskeeda uu si aad ah kor ugu kacay, marka loo barbardhigo sanadihii hore.

Miisaanayadda oo kor u kacda macnaheedu waa in dakhliga dowladdu kor u kacay ama la heley ilo dakhli oo cusub, waxaana la filan karaa adeegyo wax ku ool ah in bulshadu ka hesho Dowladooda, sida kor u kaca mushaharka, adeega caafimaadka, waxbarashada, fayo dhawrka iyo ilaalinta amniga.

Haddaba odorsoka cusub ee Miisaaniyadda Puntland ma noqonayaa mid sax ah oo heerkaas gaari kara, si aan u ogaano waxaan samayneynaa dib u eegis dakhligii soo galay Xukuumadda Puntland ee hadda 2019, sagaalkii bilood ee u horeeyey ee ay jirtey, sidoo kale waxaan tusaale u soo qaadanaynaa sanadadihii hore sida 2016, 2017, 2018.

Miisaaniyadda Puntland ee sanadkii 2017 ayaa gaareysey $160,000,000 milyan oo dollarka Maraykanka ah waxaana ku jirey lacagaha deeqaha ah iyo kabitaanka Baanka Adduunku uu Puntland siiyo, laakiin dhibaatada ugu weyn ee lagu qabey ayaa ahayd is dhinka miisaaniyadda dakhliga oo gaarayey heer aad u sareeya, Dakhliga guud ee soo xeroodey sanadkii 2017 ayaa gaarayey 70 milyan oo dollar, oo ay ku jiraan deeqaha mashaariicda iyo kabitaanka Baanka adduunka, (sida laga sheegay fadhigii Baarlamaanka August 2018), waxaana si weyn isu dhimey dakhligii la filaayey iyada oo la xusuusto in sanadkaas Puntland ay weli sii daabacaysey lacagihii been abuurka ahaa ee sicir bararka ilaa hadda laga soo kaban waayey sababey. Dhanka kale Puntland waxaa xiliyadaas ka dhacay dagaalo badan oo kharash badan oo aan ku talo gal ahayn uga baxay.

Xukuumadda Puntland ee madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa baarlamaanka horgeysey Miisaaniyad yar lixdii bilood ee u horeysey ee sanadkan taas oo gaareysa $54 milyan oo dollarka Maraykanka ah, waxaana Miisaaniyadda billaha ah lagu jaangooyey $6milyan oo dollar. Inkasta oo is dhimid uu ku jiro bilihii sagaalka ahaa ee la soo dhaafey, waxaa muuqata in Wasaaradda Maaliyadda ee Puntland ku dedaashey in ay kor u qaado dakhliga canshuuraha, bilaha qarkood is dhin weyn ayaa ka muuqda halka bilaha qaar ay aad ugu dhawaatey yoolka Miisaaniyadda.

Xogtan waxaa laga soo xigtey wasaaradda maaliyadda, yoolka dakhliga ayaa ahaa bishii 6 milyan oo dollar, waxaana charterkan caddeynayaa dakhliga soo galay xukuumadda iyo is dhinka ku jira ee casdaanka ah

Sagaalkii bilood ee u danbeeyey Jan-Sept waxaa dakhliga canshuurta ee la doonaayey in uu soo xeroodo uu gaarayaa $54,450,000.00, waxaana si rasmi ah loo helay $46,197,165.00, is dhinka ayaa ah -$8,252,835.00, sida muuqata weli waxaa lagu jiraa is-dhinka miisaaniyadda. Wasaaradda Maaliyadda ayaa ku dedaashey beykhaaminta kharashka, si loo buuxiyo is-dhinka miisaaniyadda, dhanka kale lacagaha Xukuumaddu beykhaamisey si loo daboolo kharashka waxaa kamid ah Curaaro ay qaadan jireen shirkado heshiis la galay Puntland iyo qaar kale oo dowli ah kuwaas oo aan helin wax curaarihii billaha ahaa sanadkan 2019, taas oo haddii ay dhici lahayd in ay helaan lacaga curaaradaha is-dhinka miisaaniyadda ama dakhliga iyo kharashku ay aad u kala duwanaan lahaayeen, isla markaana xukuumadda ku adkaan lahayd in ay bixiyaan musharaadka.

Wasaaradda Maaliyadda ee Puntland ayaa warbixinaheeda la xiriira kor u qaadida dakhliga iyo yareynta kharashku uu yahay mid aad uga duwan kuwii hore, saddexda bilood ee sanadkan ka harsan ayaa la filayaa in ay soo xereyso $15 milyan oo dollar, marka laga qiyaasqaato bilihii hore taas oo dakhliga guud ee sanadka 2019 Wasaaraddu soo xereysey ka dhigaya 60milyan oo dollar oo aysan ku jirin deeqaha mashaariicda iyo kabitaanka Baanka adduunka oo aan la aqoon inta ay gaareyso.

Sida muuqata dakhliga Puntland soo xeryn karto ayaa weli ka hooseeya $100milyan oo dollar iyada oo ay sidaas tahay ayaa miisaaniyadda Puntland la gaarsiiyey odoroskeeda $346milyan oo dollar sanadka 2020, waxaana dadku is weydiinaya halka dhaqaalahaas ka imaan karo marka loo barbardhigo miisaanayadihii 2016 iyo 2017 oo gaarayey 160milyan oo dollar. Buuga Miisaaniyadda 2020 ayaa u qoran si ka duwan kuwii hore, waxaana lagu darey dhamaan dakhli kasta oo Puntland gilan karto, taas oo aan horey u dhici jirin, waxaana kamid ah dhamaan deeqaha caalamku siiyo Puntland iyo kabitaanka baanka Adduunka ku kabo dakhliga Puntland.

Dowladaha waaweyn ee caalamka qaarkood waxa dhaqaalahoodu ku taagan canshuuraadka ay bixiyaan dadkoodu, taas oo bulshada dib loogu celiyo laguna bixiyo adeega ay u baahan yihiin sida caafimaadka, waxbarashada, nadaafadda, amniga, hawlgabka i.w.m. Soomaaliya ma ahan dal canshuurta la bixiyo, Puntland waxay qaadaa waxa ugu yar ee canshuur la qaado taas oo ah alaabaha la soo dejiyo iyo kuwa la dhoofiyo, laakiin waxaan weli la taaban meelaha ay Dowladdu lacagaha ka heli katrto sida canshuuraha isgaarsiinta, kuwa iibka, kaluumeysiga, mushaharaadka iyo weliba meelaha kale ee kor looga qaadi karo dakhliga.

Wasiirka maaliyadda Puntland Xassan Shire Abgaal oo baarlamaanka horgeeyey Miisaaniyad gaareysa 346 Milyan oo dollar ayaa sheegay in meelaha ay dakhliga ka filayaan ay tahay mushaharaadka dadka lacgtoodu ka badan tahay 800USD oo laga qaadayo 12% mushaharkooda, dadkaas ha ahaadeen kuwo u shaqeeya dowladda, shirkadaha waaweyn ee NGOda, dhanka kale kor u kaca kharashka ayuu ku sheegay Mushaharka shaqaalaha Dowladda, Xildhibaanada Golaha Wakiilada, Hormarinta Dimoqraadiyadda, Hormarinta Arrimaha haweenka iyo dhalinyarada, Hormarinta Garsoorka, hantidhawrka iyo Amniga.

Ku xisaabtanka rasmiga ah ee Dakhliga Dowladda ayaa ah $79 Milyan oo dollar oo ka soo xerooneysa canshuuraha, sida ku qoran buuga odoroska Miisaaniyadda 2020 , qiyaastan ayaa la dhihi karaa waa mid runta u dhaw marka la eego dakhliga 2019 inkasta oo markasta ay is dhimeysey. ilaha kale ee Buuga Miisaaniyadda 2020 lagu sheegay waxaa kamid ah hay’adaha taageera kaabayaasha dhaqaalaha, hay’adaha caalamiga ah ee deeq bixiyaasha, Dakhliga laga filaayo Banigiga Adduunka iyo deeqaha Dowladda federaalka laga filaayo. Lacaga ku xusan buugga Miisaaniyadda waxaa kamid ah $550,000 bilkasta oo taageerada amniga ah taas oo sanadkii noqoneysa 6,600.000 Lix milyan lixboqol oo kun, kaabayaasha dhaqaalaha ayaa la filan karaa $380,000 Saddex boqol iyo sideetan kun oo dollar bilkasta, halka deeq bixiyaasha caalamiga ah lagu xusay in laga filaayo $107 Milyan oo dollar , Dakhliga Baanka Adduunka laga fili karo ayaa gaareysa $20 milyan oo dollar. Mashaariicda Qaramada Midoobey $112 milyan oo dollar. Lacagahan oo dhan ayaa ah dhamaan dakhliga Puntland ay fili karto.

In shacabku bixiyo canshuurta ku waajibtey oo ay hadda bixiyaan wax aad u yar waxay u baahan tahay in ay helaan kalsooni buuxda oo ay ku qabaan dowladooda in ay ka helayaan adeega ay u baahan yihiin.

Waxaa jirta dhibaatooyin shacabku qabo oo ah in alaab dekadda Bosaso lagu canshuurey haddana dib loo canshuuro, tusaale isbaarooyinka teedsan Bosaso ilaa Gaalkacyo waxaa mar labaad lagu canshuuraa gawaarida sida xamuulka iyada oo alaabta ay sidaan ay tahay mid canshuuran waxaana ay ku socotaa isla magaalo Puntland ka tirsan, haba yaraato lacagaha degmooyinku qaataan laakiin waa mid laga maarmi karo oo dhibaato ku ah ganacsatada.

Ugu danbeyntii waxaa muhim ah in la soo dhaweeyo odoroska Miisaaniyadda Puntland 2020 ee sida weyn kor ugu kacdey, laguna amaano xukuumadda talaabada geesinada leh, inkasta oo aan weli la aqoon ilaha dhaqaalahaas kawada imaanayo, waxaana la sugayaa in la arko habka ay dowladdu u qoondeysey in ay kharashkaas ku keeneyso, waxa deeqaha caalamka uga jira, kabitaanka Baanka Adduunka, iyo habka kor loogu qaadey kharashka.

Ismail S. Awmusse

Ismaaciil waa Cilmi baare ka tirsan Mac-hadka cilmibaarista yo Dirasaadka ee Hayaan, waxaana uu ka faallooda arrimaha siyaasadda.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *