Ninkii dilka ugu hanjabay Ilhaan Cumar oo wajahaya 10 sano oo xabsi ah

Published: November 19, 2019
Ilhaan Cumar

Patrick Carlineo, oo ah muwaaddin Mareykan ah islamarkaana horay dil ugu hanjabay Ilhaan Cumar oo ka mid ah Baarlamaanka Mareykanka ayaa lagu helay dambi la xiriira in uu dil ug hanjabay Xildhibaan Mareykan ah.

Xeer Ilaaliyaha Maxkamadda Newyork ee dalka Mareykanka James Kennedy, ayaa sheegay in xorriyadda hadalka ay sharci tahay haddana aysan ku jirin wax u dhimidda Xildhibaannada Mareykanka oo waliba dil loogu hanjabo.

Patrick Carlineo oo 55 jir ah ayaa Ilhaan Cumar dil ugu hanjabay Bishii March ee sanadkan isaga oo xilligaas ku eedeeyay in ay argagixiso tahay isaga oo Diinteeda iyo dhalashadeeda ku saleynayay.

Sonya Zoghlin, oo ah Qareenka u doodaya ayaa sheegay in wakiilka qofka uu ka yahay uu muujiyay aragtidiisa iyo fikirka uu siinayo dastuurka Mareykanka.

Maxkamadda dhegeysatay kiiska ayaa sheegtay in Patrick Carlineo  lagu helay Dmabiga islamarkaana xukunkiisa kama dambeysta ah uu dhacayo 14ka February sanadka soo socda.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *