Waanwaan laga dhex bilaabay madaxda Somaliland iyo Xisbiga Wadani

Published: November 19, 2019

Xisbiga mucaaradka ah ee Wadani ee Somaliland ayaa aqbalay inuu joojiyo banaanbaxyo uu hore ugu baaqay isla markaana lagu xaliyo xiisada siyaasadeed eek a jirta Somaliland wadahadalo.

Madax hore xilal uga soo qabatay Somaliland,Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ee UCID iyo bulshada Rayidka ah.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in guddoomiyaha xisbiga Wadani uu aqbalay wadahadal in lagu xaliyo xiisada ka dhalatay banaanbaxa laga joojiyay.

Xiisadii ka dhalatay banaanbaxii uu ku baaqay Guddoomiyaha xisbiga Wadani Cirro ayaa hadda qaboobay waxaana laga dareemayaa magaalada Hargeysa in khilaafka xal laga gaari karo.

Banaanbax kooban oo ka dhacay Hargeysa ayaa waxaa ku dhaawacmay askari ka tirsan ciidamada booliska Somaliland kadib markii loo diiday in ay soo galaan gudaha xarunta xisbiga Wadani uu ku leeyahay magaalada Hargeysa.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *