Xuutiyiinta oo qabsaday doomo u socday Berbera

Published: November 19, 2019

Xuutiyiinta dalka Yeman ayaa gacanta ku dhigay doomo u socday magaalada Berbera ee Soomaaliya, kaas oo ay leedahay dowladda Koofurta Kuuriya.

Saddex doon oo ku sii jeeday maagalada Berbera ee Soomaaliya ayaa ciidamada Xuutiyiinta ka qabteen xeebaha dalka Yeman meel 15km u jirta.

Waxaa ay ka koobanyihiin 16 qof oo labo ka mid ah ay u dhasheen dalka Koofurta Kuuriya halka inta kale aan la sheegin waddamada ay ka soo jeedaan.

Wasaaradda arrimaha dibadda dalka Koofurta Kuuriya ayaa xaqiijisay in muwaaddiniinteeda ay badqabaan islamarkaana ku jiraan gacanta kooxaha Xuutiyiinta ah.

Doomaha ayaa ka baxay gobolka Jizaan ee dalka Sucuudi Carabiya, lamana sheegin waxa saraan hayeeshee waxaa ay u gacan galeen ciidamada Xuutiyiinta ee ka dagaallama dalka Yeman.

Maxamed Cali Al Xuuti oo la hadlay Reuters ayaa sheegay in doomaha ay ku xadgudbeen biyaha dalka Yeman ,lana geeyay magaalada Xudeyda.

Waxaa uu sidoo kale Maxamed sheegay in ay gacanta ku dhigeen doon ka diiwaangashan dalka Sucuudiga hayeeshee laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *