Agaasimaha warfaafinta Madaxtooyada oo ka hadley kulanka Farmaajo iyo Madaxweynayaashii hore.

Published: November 20, 2019

Agaasimaha Xafiiska Warfaafinta Madaxtooyada Soomaaliya Abdinuur Mohamed Axmed ayaa xaqiijiyay in maanta uu kulan dhex mari doono Madaxweynaha Dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya Cabdinuur Maxamed Axmed iyo Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Kulankaan ayuu sheegay in ajandaha ugu wayn uu yahay arimaha doorashooyinka 2020.

Kulanka maanta ay yeelanayaan Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweyneyaashii hore Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Mudane Xasan Sheekh ajandihiisa ugu muhiimsan waa arrimaha doorashooyinka 2020 iyo sidii ay Xukuumadda ugala shaqeyn lahaayeen in hannaan doorasho oo hufan oo qof iyo cod ah ay dalka ka dhacdo, awooddana dib loogu celiyo shacabka Soomaaliyeed si ay u doortaan madax iyo xildhibaanno iyaga si toos ah wakiil uga ah” ayuu Abdinuur Mohamed.

Madaxweynayaashaan hore ayaa dhawr jeer oo hore waxay walaac ka muujiyeen dib u dhac ku yimaada doorashada Baarlamaanka iyo Madaxweynaha Soomaaliya, sidoo kale waxay si kulul u dhaliileen hanaanka siyaasadeed ee uu dalka ku hogaaminayo Madaxweyne Farmaajo.

Horseed Media, 2019

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *