Cumar Filish oo soo saaray amar cusub [ Muqaal ]

Published: November 20, 2019


Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamed Maxamuud ayaa amar ku bixiyay in laga baxo dhulkii ay laheyd hey’adda minishibiiyada ay ku laheyd degmada Warta-Nabadda.

Duqa Muqdisho ayaa amar ku bixiyay inta ka dhiman bishan November looga baxo dhulkii Munishiibiyada ay laheyd, waxaana uu tilmaamay inay rajeynayaan in illaa 1-da bishan December looga baxo dhulkaas.

“Meelo dad u dhisan ayaa jirta oo naloo sheegay oo ah Garoonkii Basketball-ka iyo Baarkii Minishiibiyada, waxaa u qabaneynaa dadka degan inay nagu soo wareejiyaan illaa 1-da bisha December ee soo socota, waxaa rajeynayaa mar haddii mulkiyada nala sheeganeyn inay nagu daahin, waa u mahadcelineynaa nagama heysan waa noo hayeen”

ayuu yiri Guddoomiye Cumar Filish.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *