golis

Faallo: Ma La Joogaa Xilligii Dib loo Eegi Lahaa Maammulka Maaliyadda Dowliga ah Puntland?

Waxaan daawanayeysuaalo dhawr ah oo la xiriira miisaaniyadda Dowladda, si gaar ah kharashaadka dowladda kuwaas oo Baarlamaanka cusub ee Puntland, 2019, ay ku weydiiyeen Wasiirka Maaliyadda Puntland. Weydiimaha Baarlamaanka oo ahaa kuwa aad u xasaasi ah, ayaa ugu dambeyn wasiirku ku cududaartay inuusan xog badan ka hayn habka miisaaniyaddu u dagsantahay iyo qoondeynteeda ba, sidaa awgeed uu codsanayo in baarlamaanku sannadkaan ay u ansixiyaan habka ay tahay, wixii sannadkaan ka dambeeyana lagula xisaabtamo, sidaas ayeyna baarlamaanku ku ansxiyeen Miisaaniyadda Dowladda ee 2019.

Laga soo bilaabo maalintaas waxaan bilaabay inaan u kuurgalo galo habraaca Miisaaniyadda Dowladda iyo guud ahaan Maammulka Maaliyadda Dowladda Puntland. Inkastoo aanan wali soo afmeerin xog-baaristaan oo aan qorsheynayo inay noqoto mid aad u faahfaahsan, haddana maadaama sannadkii 2019 u gebogabo yahay, ayna hadda hortaallo Baarlamaanka ka doodidda iyo ansixinta miisaaniyaddia 2020, waxaan jecclaystay inaan bulshada iyo Baarlamaanka ba la wadaago xog kooban oo la xiriirta miisaaniyadda Dowladda iyo maammulka maaliyadda dowladda taas u baahan in lagu baraarugsanaado, si gaar ah Golaha Baarlamaanka ka hor inta aysan meelmarin Miisaaniyadda 2020.   Xogtaan waxay ka koobantahay saddex qodob, oo mudan si gaar ah in diiradda loo saaro, waxna la iska weydiiyo. Inta aaana faahfaahin qodobadaan, waxaan qeexayaa laba arrimoodoo muhiim ah:

  • Xogtaan aan taxliiliyey waxay ku salaysantahay Miisaaniyadda ay meelmariyeen baarlaamaankuoo ahayd sagaal bilood (Apr—Dec, 2019), maadaama 3dii bilood ee hore lagu shaqeynayey miisaaniyad ku meelgaar ah, dhammaan xogta aan warbixinta ku xusayna iyada ayaan kasoo xigtay.
  •  Qiyaasta ku talagalka Miisaaniyadda guud ee dakhliga iyo kharashaadka dowladda waa iskudheellitinaayeen mana jirin kala badnaansho. Oddoroska dakhliga guud wuxuu ahaa $14.78 million bishii [$133.02 million, sagaalka bilood], taas oo $6.05 Million ka mid ah ay tahay dakhliga gudaha kasoo xarooda, $8.15 million waan dakhliga dibadda ka yimaada halka $583 kun ay tahay dakhliga ka yimaada dowladaha hoose ee 7 degmo. Ma jirto dakhli kabitaan ama taageero ah oo laga filayey inuu ka ymaado DOWLADdA DHEXE sida ku cad kulagalka Miisaaniyadda 2019. Habka loo dajiyey miisaaniyadda, waxaa lagu dhisay tixraaca miisaaniyaddii hore (Incremental budgeting). Kharashaadka dowladda waa mid ay buunbuunin ka muuqato si loogu jaangooyo dakhliga, waana habka ka qiyaas-qaadashada kharshaadka (Expenditures Approach).

Hadda ba waa kuwaan afarta qodob aan isdul taagay, kuwaas oo ah qofkasta oo akhriya uu suaalo iska weydiin doono hannaanka Maammulka Maaliyadda Dowliga ah ee Puntland (Puntland Public Finance Management).

Qodobkaa 1aad: Iskudheellitirnaan la’aanta qoondada kharashaadka miisaaniyadda iyo madaxyadeeda:

  • Qiyaasta kutalagalka dakhligasagaalka bilood [April—Dec) ee ka soo xarooda gudaha waa $54.45 million, qiyaasta kharashaadka joogtada ah ee sagaalkaas biloodna wuxuu ku jaango’an yahay cadadka dakhliga. Haddaba $48.98 millionka mid ah waxaa loo qoondeeyey kharashaadka mushaarka iyo gunnooyinka shaqaalaha, adeegyada iyo alaabta, iyo kharashaadka kale. Tan ayaa ka dhigan in 89.9% dakhiga laga soo xareeyo shacabka loo qoondeeyey inay u baxdo kharash ahaan, halka 11% ($5.56 million) loo qoondeeyey in dib loogu celiyo si loogu fuliyo adeegyada iyo barnaamijyada dowladda ay bulshada u qabato!.  Dhanka kale, Wasaaradaha khuseeya ila dhaqaalaha sida Xannaanada Xoolaha, Beeraha, Ganacsiga, Kalluumeysiga, dalxiiska, Dekedaha iyo Garoomada wax qoondo ah kuma lahan qoondada bulshada lagu celinayo—qoondada 11% ee aan kor ku xusay. Islasidoo kale arrimaha bulshada sida Dhallinyarada, haweenka, dhaqanka iyo cyaaraha wax qoondo miisaaniyadeed ah kuma lahan dakhliga kasoo xarooda gudaha. Dhammaan fulinta siyaasadaha iyo adeegyada la xiriira qeybaha kor ku xusan waxaa laga sugaa oo ay ku tiirsanyihiin taageerada iyo mashaariicda hay’adaha.
  • Qiyaasta miisaaniyadda kharaashaadka joogtada ah ee Hay’adaha Dowladdu waxay ahayd $6.05 Miillion bishii, taas 41.3% ka mid ah loo qoondeeyey Madaxtooyada iyo Wasaaradda Maaliyadda, halka inta soo hartay loo qoondeeyey in ka badan 40 hay’adood ee dowladda,
  • Gunnooyinka kale ee baxsan gunnooyinka mushaaraadka iyo kuwa aan lacagta ahayn ee loo asteeyey Wasaaradda Maaliyadda iyo Madaxtooyada waa $653, 430(9-ka bilood), waana qoondo ka badan miisnaaiyadda kharashaadka joogtada ahee Wasaaradaha Caddaaladda iyo Xannaanada Xoolaha, Hantidhawrka iyo Garyaqaabnka Guud taas oo isku ah $575,000sagaalka bilood.
  • Kharashaadka miisaaniyadeed ee loo qoondeeyey safarrada dibadda iyo gudaha ee Wasaaradda Maaliyadda waa $70,000 bishii, waana in 50% ka badan kharashaadka miisaaniyadeed ee loo qoondeeyey safarrada dibadda iyo gudaha ee dhammaan Wasaaradaha kale ee dowladda Puntland taas oo ah $35,700 bishiii. Dhanka kale, kharashaadka kutalogalka ee loo qoondeeyey martigelinta Madaxtooyada iyo Wasaaradda Maaliyadda waa $112,625 bishii waana in 16% ka badan kharashaadka guud ee loo qoondeeyey Garsoorka Puntland.
  • Kharashaadka loo qoondeyey daabacaadda iyo xayeysiinta ee Wasaaradda Maaliyadda waa $40,000 bishii taas ka sarraysa miisaaniyadda kharashaadka Xafiiska Hantidhawrka Guud $30,200 bishii. Xafiiska Hantidhawrka guud waxaa diiwaanka shaqaalaha Dowladda ugu jira shaqaale ka badan 40 qof!

Qodobka 2aad: Miisaaniyadda waxaa ku jira tuhun badan:

  • Kharashaadka miisaaniyadda ee u qoondaysan Taliska Ciidanka Daraawiishta waa $1.39 Million bishii, taas ka dhigaysa ha’adda labaad ee ugu badan qoondada kharashaadka marka laga yimaado Wasaaradda Maaliyadda. Iyadoo Taliska Ciidanka Daraawiishtu helaan qoondo sarraysa, haddana waxaa inta badan soo noqnoqta gadoodka ciidamada iyo cabashada la xiriirta xuquuqahooda. Tani waxay shaki iyo suaal galinaysaa halka ay ku baxdo kharashadka miisaaniyadeed ee Taliskaan.
  • Waxaa dakhliga guud dowladda ku jira $8.155 Million bishii kaas oo ah dakhliga ka yimaada dibadda. Dakhligaan waxa uu isugu jira deeqaha laga helo hay’adaha caalamiga ah iyo bangiga adduunka. Sida ku cad, qiyaasta kharashaadka dowladda, dakhligaan wuxuu si guud ugu xisaabsan yahay kharashaadka guud, kumana jiro xisaabta kharashaadka joogtada ah. Sidaa awgeed dakhligaan si toos ah uma soo maro bangigag dowladda. Sidoo kale ma jirto warbixin si rasmi ah u qeexaysa cadadka deeqaha caalamka ee soo gala Puntland.  Xafiiska Xisaabiyaha Guud ayey ahayd inuu soo saaro warbixinno rasmi ah.

Qodobka 3aad: Habshaqeedka hay’adaha Maaliyadda:

  • Maammulka maaliyadda dowliga ah wuxuu ka kooban yahay hay’ado awood ahaan kala madax bannaan balse ay ka dhxayso wadashaqeyn. Hay’adahaas ayaa kala ah Wasaaradda Maaliyadda, Bangiga Dowladda, Xisaabiyaha Guud iyo Xafiiska Hantidhawrka Guud.
  • Si buuxda ayey u dhisanyihiin Hay’adaha Maammulka Maaliyadda Dowliga (HMMD) ah ee Putnland, balse shaqo ahaan hay’adahaani iskuma dheellitirna, gaabis shaqo oo baahsan ayaana ka jira qaar ka mid ah HMMD. Xafiiska Hantidharka Guud (XHG) iyo Xafiiska Xisaabiyaha Guud waa labada hay’adood ay ka muuqato gaabis shaqo, aadna ay u wiiqantay awoodaha labadaan xafiis.
  • Sida ku cad Xeerka Hantidhawrka Guud, Xeer Lam 15, 27/09/200, Xafiiska Hantidharka Guud (XHG), waa Hay’ad madaxbannaan oo u xilsaaran baaritaanka, la socodka iyo dabagalka dhammaan dhaqdhaqaaqa dakhliga, kharashaadka iyo mashaariicda dowladda iyo Hay’adaha caalamiga ah. Hantidhawrka Guud waxaa waajib ku ah inuu soo saaro warbixin sannadleh ah. Muddo 18 sano ah oo uu jiray XHG ee Puntland, shacab weynaha Puntland wali waayoaragnimo uma yeelan inay helaan oo ay soo gaarto warbixinno uu soo gudbiyey xafiiksu taas oo ku aaddan sida loo maareeyey deeqaha, mashaariicda iyo miisaaniyadda Dowladda. Marka aad waraysato khubarada dhaqaalaha iyo dadka xog-ogaalka ahwaxay xusayaan dibdhaca ugu weyn ee haysta XHG ay tahay tabaryari dhaqaale, oo uusan xafiisku helin miisaaniyad ku filan si uu ugu madaxbannaanaado hawlihiisa shaqo.
  • Xafiiska Xisaabiyaha Guud ee Puntland ayaa sidoo kale ah Xisaabiyaha guud ee Wasaaradda Maaliyadda, taas oo ka dhigan in nidaamka Maammulka Maaliyadda Dowliga ah ee Puntland uusan lahayn Xisaabiye Guud oo ka madaxbannaan maammulka Wasaaradda Maaliyadda. Tani waa arrin baalmarsan hufnaanta iyo daahfurnaanta hannaanka maaliyadda dowliga ah ee caalamiga ah. Waxayna meesha ka saaraysaa in la helo xisaabcelin hufan.
  • Bangiga adduunka waxa uu Puntland ka waday laba mashruuc—Capacity Injection Project iyo Somalia PFM Capacity Building.  Mashaariicdaan ayaa ah dib u habeynta maaliyadda iyo Waxaana sannadkii uu Bangiga Adduunku Puntland ku siiyaa dhaqaalae gaaraya $11 million, sidaas oo ay tahay wali waxaa la adeegsadaa hab waraaqaha (Manual paper), walina Puntland si buuxda loogama dhaqangelin in dhaqdhaqaaqa maaliyadeed ee dakhliga iyo kharashaadka ay u dhacaan hab aaladeed (Electronic System).  Mashaariicdaan oo wakhtigoodii gebogebo yahay, haddaba sidee loo maareeyey mashaariicdaa? Waa weydiin dib ugu soo laabanaysa Hay’adda Sharci-dejinta, Xafiisyada Hantidhawrka Guud iyo Xisaabiyaha Guud iyo Deeq bixiyahay; Bangigaga Adduunka.

Marka aad daraasayso hannaanka Maammulka Maaliyadda Dowliga ah ee Puntland iyo qoondeynta miisaaniyadda dowladda, waxaa kusoo baxaya arrimahaan:

  • iskudheellitirnaan baahsan ee qoondaynta miisaaniyadda, iyadoo ay jiraan kharaashaad tiro badan oo laga maarmi karo ama la yarayn karo.
  •  Waxaa jira tuhunno siyaadin kara xaddiga musuqmaasuq iyo daahfurnaan la’aan baahsan oo aysan shacabku xog badan ka hayn maammulka maaliyadda dowliga ah.
  • Waxaa muuqata inaysan dhammeystirnayn shuruucdii maammulka maaliyadda dowliaga ah (PFM laws) si loo maareeyo siyaasadda maaliyadeed ee dowladda.
  • Inkastoo oddoroska miisaaniyaddu leedahay koror iyo isdhin, sidoo kale qna qiyaasta miisaaniyadda kutalagalka ah ee sannadlaha ay kordhi karto, haddana wali waxaan si rasmi ah u shaac bixin xisaabcelin rasmi ah, ayna maqantahay hufnaantii uu u shaqeyn lahaa Xafiiska Xisaabiyaha Guud.

Inkastoo baarlamaanka hadda jooga ay tallaabo wanaagsan qaadeen kalfadhiggoodii ugu horreeyey, haddana waxaan laga fursnayn in Golaha Baarlamaanku iyo Xukuumadduba ay awoodda saaraan sidii wax badan looga sixi lahaa hannaanka maaliyadeed ee Puntland, ayna si rasmi ah uga doodaan xisaabcelintii misaaniyaddi 2019  iyo sidoo kale habka ay u dagsantahay miisaaniyadda ka hor inta aysan ansixin Miisaaniyadda 2020.

Gunaanadkii, daahfurnaanta, dabagalka iyo islaxisaabtanku waa tallaabooyin muhiim hannaanka dowladnimo ee tayeysa, waana arrin ay danta Puntland ku jirto in wax la iska weydiiyo hannaanka Maaliyadda Dowliga ah ee Puntland. Inkasta oo ay le’egtahay misaaniyadda dowladdu, ha yaraato ama ha badnaato, waxaa lagama maarmaan ah in beekhaaminta iyo qoondaynta miisaaniyaddu ay ka tarjunto baahida dhabta ah. Inkastoo aanan dhammeystirin daraasad ballaaran aan ka aruurinayey hannaanka Maammulka Maaliyadda Dowliga ah ee Puntland taas oo ku qotonta saddexdaan qodob, haddana waxaan jeclaystay inaan xogtaan si hordhac ah ula wadaago bulshada, Xukuumadda iyo Golaha Baarlamaanka Puntland, si wax la isaga weydiiyo, waxna loo saxo.

Qore: Faarax Bashiir Cismaan

Fosman.official@gmail.ocm

Reader Interactions

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

HORSEED MEDIA