Shacabka Sidama oo iska xaadiriyay goobaha cod bixinta!

Published: November 20, 2019

Shacabka gobolka Sidama ee Ethiopia ayaa saaka u codayn doona inay noqdaan Ismaamul gaar ah oo ka go’an degaanka Shucuubta Koonfureed.

Saaka xilli hore ayay shacabka qowmiyadda Sidama isugu soo baxeen goobaha cod bixinta, iyagoo qaarkoodna ay habeenimadii xalay u baryeen goobaha codbixinta.

Waxaa cod bixinta ka qayb qaadanayaan madaxdii hore ee degaanka Shucuubta Koonfureed.

Image result for sidama ethiopia vote

Cod bixinta oo lagu kala caddeeyay labo sawir oo ah dhiil iyo goojo ayaa u taagan dhiisha waanu ka go’aynaa degaanka Shucuubta Koonfureed iyo Goojada ama Aqal dhaqameedka oo u taagan degaankayaga ayaanu kasiitirsanaanaynaa.

Sidama ayaa hadday degaan gaar ah noqdaan waxay noqonayaan degaanka 10-aad ee dalka Ethiopia.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *