Khuburo caalami ah oo baaraya dilka Almas

Published: November 21, 2019
Taliye Cabdi Xasan Maxamed,

Taliyaha ciidamada booliska Soomaaliya Cabdi Xasan Maxamed, ayaa sheegay in ay gal dacwadeed ka fureen laanta dambi baarista ee Muqdisho si baaritaan dheeraad ah loogu sameeyo dilka loo geystay marxuumad Almas Elman Ali.

Cabdi Xasan ayaa sheegay in khubarro iyo saraakiil aqoon durugsan u leh baaritaannada noocan ah loo diri doono.

Almaas ayaa shalay gelinkii dambe lagu dhex dilay xarunta Xalane oo ah goob amaankeeda aad loo ilaaliyo kuna badanyihiin reer galbeedka sidoo kalana ah taliska ugu weyn ee AMISOM.

Almas Elman Ali.

Almaas markii la dilayay waxaa ay ka soo baxday shir ay Midowga Yurub ku qabteen xerada Xalane, waxaana ay dooneysay in ay dib ugu laabato magaalada Nairobi oo ay degantahay.

Dilkeeda ayaa hadal heyn badan ka dhex abuuray bulshada waxaana su’aasha ugu weyn ee la is weydiinayo tahay cidda Almaas Elman ku dhex-toogatay xerada Xalane ee aan ilaa hadda lahayn.

Booliska Soomaaliya ayaa sii daayay sawirqaade Siciid Fadhaye iyo waardiyii gaariga ay la socotay oo muddo lagu xiray saldhigga Booliska ee garoonka Muqdisho.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *