Shir looga hadlayo hanaanka Maaliyada Soomaaliya oo Kampala ka furmay.

Published: November 22, 2019

Waxaa magaalada Kampala ka furmay maanta shir looga hadlayo arrimaha maaliyadda dalka oo shir gudoominayo Wasiirka Maaliyadda XFS Dr. Cabdiraxman Ducaale Bayle kana qayb galayaan wasiirada maamul-goboleedyada Puntland, Jubaland, Southe-West, Galmudug, Hirshabele gudoomiye ku xigeenka Gobolka Banaadir.

Shirkan oo ah kii labaad oo ay yeeshaan wasiirada maaliyadda ayaa looga doodayaa hanaanka maaliyadda dalka iyo horumarinteeda, waxa uuna daba socdaa kulamo looga hadlayay arimaha maaliyada kaas oo looga gol-leeyahay sidii uu u dhamaystirmi lahaa hanaanka dayn-cafinta iyo muujinta maamul wanaaga.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *